Daawo Sawirada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo doortay Hoggaan cusub

Waxaa Hoteelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho ka dhacay Shiweynihii 7-aad ee Doorashada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay hoggaanka afarta sano ee soo socota ee GOS.

Gunaanadkii doorashooyinjkaasi oo ay ka soo qeyb galeen Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga , Masuuliyiinta xiriirada, Ururuada, Xubnaha Matalaya Soonanka iyo marti sharaf kale, waxaana ka hor doorashada lagu soo bandhigay waxqabadkii iyo warbixinta dhaqaalaha sanadki tegay ee 2016-kii ,miisaaniyadda & qorshahasanadka 2017 sidoo kale xiriirada ayaa dhankooda soo jeediyay waxbixinada waxqabadkooda sanadki tegay 2016, waxaa shiwaynaha lagu ansaxiyay wax ka bedel lagu sameeyay qodobka 15.E ee dastuurka , waxuu sidoo kale ka doodeen isla markaana ansaxiyeen go’aanadi shirarkii Guddiga Fullinta lagu gaaray.

Xubnaha Shirweynaha ayaa ugu dambeyn cod gacan taag ah ugu codeeyay Cabdullaahi Axmed Tarabi inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee afarta sano soo socota 2017-2020. Sidoo kale waxaa Guddoomiya ku xigeenada loo doortay :- Axmed Cabdi Xasan (Wataac) 1-aad , Faadumo Cali Nuur 2-aad iyo Ibraahin Abuukar Shaamoow 3-aad.Dhanka Kale Mohammad Abdo Hagi ayaa loo doortay Xoghayaha Guud ee GOS, halka Guddoomiye Sharafeed uu noqday Cabdulqaadir Ibraahin Gacal Abkow.

Sidoo kale waxaa shirweynaha doorashada lagu doortay xubnaha Guddiga Fulinta GOS waxayna kala yihiin:- Ibraahim Xuseen Cali Roombo ,Maxamaed Xuurshe Xasan, Maxamed Axmed Coloow,Cabdiqani Saciid Carab ,Cabdullaahi Nuur Maxamed (Caddaani) , Khadiijo Aadan Daahir , Cabduqaadir Maxamed Baarajab , Cali Maxamed Xuseen ( Cali Baay) Cabdicasiis Godax Barre ,Xasan Wiish Yabaroow, Abuukar Islow Xasan , Maxamed Daa’uud Maxamed , Dr:Cabdi Ibraahin Axmed( Jia) ,Prof: Yuusuf Calasoow , Maxamed Muuse Cabdi iyo Luul Cabdi Dhagool.

Kadib doorashada waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha la doortay ee GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi waxuuna u mahad celiyay xubnaha shirwaynaha ee markale kalsoni ku siiyay inuu hoggaamiyo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed afarta sano ee soo socota.

Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka ayaa sheegay in ay afarta sano ee soo socota xoogga saari doonaan maamul wanaaga, sare qaadida aqoonta maamulada isboortiga, tayayna Xulalka qaran ee xiriirada dalkaasi ay ugu loolamaaan bilado iyo kaalmo hore, iyo in mudnaan gaar ay la siin doono iskuulada, Jamaacadaha, Degmooyinka iyo Gobolada dalka si horumar la taaban karo loo gaaro.

gos1 gos7 gos5 gos4 gos3 gos2