DAAWO SAWIRADA: Booliska Soomaaliya oo raashin ka qaybiyay duleedka Muqdisho

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed , ayaa maanta waxa ay raashin u qaybiyeen dadka abaarta ay saameysay ee ku sugan duleedka Magaalada Muqdisho.

Deeqda dadkaasi ay u qaybiyeen ciidamada Booliska, ayaa waxa ay isugu jirtay bariis,,timir, Sonkor saliid,bacaha roobabka, sijaayado Iyo  baasto.

Ciidamada Booliska ee deeqdaasi qeybiyay ayaa waxaa hogaaminayay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Muqtaar Xuseen Afrax.

Dadka ay deeqda Gaarsiiyeen  Ciidanka Booliska ayaa waxa ay gaarayaan labo boqol oo qof.

Booliska-4 Booliska-5 Booliska-6 Booliska-7 Booliska-1 Booliska-2 Booliska-3