DAAWO: QM oo joojisay Gar Gaarka Suuriya

Qoraal maanta ka soo baxay  Xarunta Qaraamada Midoobay ee magaalada New Yourk ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay dhamaan kolanyada Gaadiid ee  gargaarka  Cuntada iyo Daawada u siday malaayiinta Qof oo ku baahasan degaanada dalka Suuriya.

Talaabadan ay qaaday Qaraamada Midoobay ayaa timid kadib markii sida la sheegay Cirka lagu duqeeyay  Gawaari Cunto iyo Dawo u siday dadka ku Xaniban magaalada Halab, ayna Duqeyntaasi ku burbureen 18  ka mid ah Gaadiidkii gargaarkaa ku rarnaa,kuna dhinteen laba Darawal.

Ururada Samafalka Caalamiga ah ayaa weerarka loo gaystay gawaaridaasi ku tilmamay  mid xad gudub ah oo khilaafsan Qawaaniinta Dawliga ah.

Hay’ad u dooda Xuquul Insaanka Suuriya oo saldhigeedu yahay mgaalada London ayaa sheegtay in weerarkaasi  lgu qaaday kolonyadaasi gargaarka u siday Halab ay fuliyeen Diyaaradaha Suuriya iyo Ruushka.

xalap_1 xalap_3 xalap_4 xalap_6 xalap_7