Home Wararka DAAWO: Juxa” Soomaaliya way dayacan tahay”

DAAWO: Juxa” Soomaaliya way dayacan tahay”

SHARE

Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo maanta Khudbad dheer ka jeediyay Munaasabad oo xilka ku wareejiyay oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Juxa ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay qabaan dhibatooyin kala duwan , islamarkaana dalka  dhaqaale ahaan uu sabool yahay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in hal Koox aan lagu Aaminkarin Siyaasadda iyo badbaadinta Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka wax ka qaban karin, isla markaana loo baahan yahay in dood caafimaad oo dhab ah laga yeesho xaaladaha jira, iyadoo aan la eegin dan shaqsiyeed ama dan kooxeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan xilka ka  qaaday Cabdi Faarax Juxa oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha.