Daaw Sawirada Obama oo Ku baaqay in la Doorto Clinton

Obama ayaa ugu horreyn tageero aan la soo koobi karin waxa uu u muujiyay haweeneyda u sharaxan xilka madaxweynaha Mareykanka ee xisbigiisa Dimuquraaddiga  Hillary Clinton taas oo uu ku sheegay mid aan la heli karin cid la mid ah.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sharaxay sababta uu u maleynayo in Hillary Clinton ay mudan tahay inay xafiiska kala wareegto bisha January, isaga oo sheegay inuusan jirin nin ama haweeney uga diyaarsan Hillary xilka madaxtinimada.

“Sanadkan waxaan idin weydiisanayaa inaad igula soo biirtaan inaan iska diidno cabsi gelinta, oo aan doorano waxa noo wanaagsan oo ah in Hillary ay noqoto madaxweynaha xiga ee Mareykanka” ayuu yiri Obama.

Waxa uu sheegay in Hillary ay haysato khibrad ku filan inay dalka ku hogaamiso, si ka duwan musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

 

om obamahillary obamabaxisbi3 omba be1 be be2