Cristiano Ronaldo Waxaa Loo Dhalay Inuu Caawiyo Real Madrid!!

Daafaca Real Madrid Marcelo ayaa sheegay in kooxdiisa ay ogtahay in Cristiano Ronaldo uu caawin karo marka loo baahan yahay.

Real Madrid ayaa had iyo jeer ku tiirsan kartida Cristiano Ronaldo, sida laga soo xigtay daafaca bidix ee kooxda Marcelo.

Ka dib markii ay Getafe soo barbareysay gool uu Real Madrid u dhaliyay Karim Benzema, islamarkaana la sadaalinayay in ciyaarta ku dhamaaan karto barbaro, Ronaldo ayaa goolka guusha u dhaliyay Los Blancos dhamaadkii ciyaaarta.

Xiddiga reer Portugal ayaa daqiiqadii 85aad hogaanka u dhibay kooxdiisa oo saddex dhibcood oo lagu silcay ka heshay kooxda Getafe.

Marcelo ayaa sheegay in kooxdiisa ay ogtahay inay ku tiirsan tahay awooda Ronaldo oo ah geesi badbaadiya marka ay kooxdu u baahan tahay.

“Waan ognahay waxa Cristiano u yahay Madrid, wuxuu u qalmaa waxyaabo badan, waan ognahay marka uu joogo inuu kooxda caawin karo,” ayuu yiri ciyaaryahanka reer Brazil.

“Waxaan isku dayeynaa inaan horumarino awoodeena kulan kasta,islamarkaana aan isku dayeyno inaan yareyno farqiga noo dhaxeeya kooxda hogaanka heysa

Ma aheyn kulan sahlan, waxaan sameynay wax walba, taasoo keentay in ugu dambeyn aan helno saddexdii dhibic ee kulankii Coliseum Alfonso Pérez.