Shabaq ilaaliyaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois qalbigiisa waxaa uu ku dagayaa kooxda reer France ee Paris Saint-Germain sida laga soo xiganayo RMC Sport.
Goolhayahan reer Belgium ayaa wada xaajood la galaya hogaamiyaasha horyaalka Ligue 1 markii suuqa kala iibsiga uu furmo.
Blues ma dooneyso xiddigan in ay iska iibiso, si kastaba Courtois kuma faraxsana garoonka Stamford bridge, waxaana ay Chelsea dooneysaa in xiddigan ay hal sano ka saxiixato haba noqdo xilli ciyaareydkiisa ugu dambeeya ee uu kooxda u ciyaaro.
Courtois waxaa sidoo kale doonaya caasiamda dalka spain kooxda ka dhisan ee Real Madrid kaasoo mudooyinkii u dambeeyay ay baadi goob ugu jirtay.