Codbixiyayaasha Holland oo looga digay doorashada xisbiga diidan Islaamka

Ra’iisul Wasaaraha dalka Holland, Mark Rutte, ayaa ka digay in dalkiisu uusan u liicin dareenada wadaniga ah ee uu la xiriiriyay ka bixiddii Ingiriiska ee Yurub iyo doorashadii Donald Trump.

Mr Rutte, ayuu hadalkiisu ku wajahnaa ninka ay aadka isku hayaan ee u janjeera wadaniyadda ee Geert Wilders, xilli ay ka qayb galayeen dood laga sii daayay taleefishinka ka hor doorashada la qaban doono maalinta Arbacada ah.

Mr Wilders ayaa ballan qaaday in Netherlands uu ka saari doono Midowga Yurub, oo uu xiri doono masaajiddada misana uu mamnuuci doono Quraanka Kariimka ah.

Aaraa’da dadka laga uruuriyay qaarkeed ayaa tilmaamaysa in Xisbiga Xorriyadda ay suuragal tahay inuu ku guulaysto kuraas badan.

Taasina waxa ay u sahlaysaa inuu dhiso xukuumad isbahaysi ah, hasayeeshee axsaabta kale ee doorashadan u loolamaysa ayaa meesha ka saaraya in aanay la shaqeyn doonin Xisbiga Xorriyadda, taasi oo xaaladda ku adkeyn karta Wilders.

Dooddii taleefishinka laga sii daayay Isniintii ayaa aheyd middii ugu horreysay ee ay ku kulmaan labada nin ee ugu cadcad tartanka doorashada, kaddib markii Mr Wilders uu dhowr jeer oo hore diiday inuu ka qeyb qaato doodo hore.