Dadka reer Philippin ayaa codkooda dhiibtay, waxaa la filayaa in uu ku guulaysto doorashada madaxwaynenimada Rodrigo “Digong” Duterte oo ah duq magaalo oo hadalo cadcad.
Doorashadan waxaa u tartamaya shan musharax laakiin Duterte ayaa hogaaminayay saadaashii la sameeyay codaynta ka hor, inkasta oo uu jeediyay hadallo muran dhaliyay intii uu waday ol’olaha doorashada.
Ol’olaha doorashada waxaa hareeyay cabsida laga qabo dhanka dhaqaalaha, sinaansho la’aanta iyo musuqmaasuqa.
Codaynta ayaa saacad lagu daray goobaha qaar kaddib markii ay ciladi gashay qalabkii doorashada
In kabadan boqol kun oo booliis ah ayaa shaqada ku jira iyada oo rabshado ay dhaceen doorashada ka hor.
Isniintii dablay aan la aqoonsanin ayaa rasaas ku dilay todobo ruux, dhacdadaasi oo gaadmo ahayd waxay ka dhacday magaalada Rosario.