Home Ciyaaraha “City way ku guuleysan kartaa Champions League” – Vincent Kompany

“City way ku guuleysan kartaa Champions League” – Vincent Kompany

SHARE

Kabtanka Manchester City ee Vincent Kompany ayaa shaaca ka qaaday in kooxdu ay aad u wanaagsan tahay isla markaana ay ku filan tahay inay ku guuleysato Champions League xilli ciyaareedkan.

Man City weligeed ma gaarin final-ka tartankan, halkeedii ugu fiicneyd oo ay gaartana waxa ay ahayd afar dhammaadka (Semi-finals), markaasoo ay garaacday Real Madrid sanadkii 2016-kii.

Kooxda Pep Guardiola oo qaab ciyaareed sare ku jirta ayaana hadda joogta wareegga 16-ka Champions League, waxaana xalay lugta hore ee 16-ka koobka horyaalladda Yurub ay 4-0 ku soo xaqeen Basel, taasoo u xaqiijinaysa inay hal lug la sii galeen siddeed dhammaadka tartankan.

“Waxbaa is bedelay, haddiiba uu sanad jiro waqti uu naadigu dareemi karo inuu diyaar yahay waa sanadkaan.” ayuu yiri Kompany.

“Ma oronaayo waqti unbaa inaga xiga, kooxaha qaarkood weligood kuma guuleysan koobkan, laakiin sanad walba haddii aan qaabkaan kalsoonida leh aan u socono, sanadkaan ama sanadka xiga waan gaari doonnaa meeshaas waan hubaa inaan gaari doono.”

“Sanadihii la soo dhaafay waxaan dareennay xoogaa dhibaato ah, waxaan isku dayi doonnaa inaan jabino kooxo si heer sare ah u diyaarsan sida Barcelona, Bayern, Real Madrid iyo koox kasta oo isku dayday inay ku guuleysato tartankan 10-kii sano ee la soo dhaafay balse ku guuldarreystay.”

“Marka hore waa Basel, kaddibna waxaan u gudbi doonnaa marxad aan nafteenna aan ku qiimeyn doono naadiyada kale, waxaana dareemayaa inaan garaaci doono iyaga.”

Kompany ayaa xalay ciyaaray kulan Champions League ah tan iyo semi-finalkii 2016, maxaa yeelay dhaawacyo ayaa hareeyey.