Ciidanka Badda oo u dabaal degaya Sanad guuradooda 53-aad

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya xuska Maalinta la aas aasay Ciidanka badda Soomaaliyeed,waxaana ka qeyb galeya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa u hambalyeyey  Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo Maanta u dabaal degaya Sanadguurada 53aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ah  10-02-1965-kii.

Taliyaha ayaa hambalyo u diray dhamaan  Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 53aad ee Ciidanka badda.

Munaasabada Maanta ay ku xusayaan sanadguuradooda la filayaa inay ka qeyb galaan Madaxda sare ee dalka iyo Saraakiisha Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed.