Boosaaso-RisaalaFM- Ciidanka ammaanka maamulka Puntland ayaa gelinkii dambe ee shalay fashiliyey Qarax la dhigay isgoyska Gaaca ee magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay Qaraxan in uu ahaa mid tankiisa uu weyn yahay, balse ay suurtagashay inta aan dhibaato lagu gaarsiin shacabka ay Ciidamada ammaanka qabteen.
Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha in weli ay socdaan Howlgalada ay wadaan Ciidamada ee ammaanka lagu xaqiijinayo, wixii ku soo kordhana warbaahinta ay dib uga soo sheegi doonaan, isaga oo faah faaahsan.
Sidoo kale Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay Qaraxan in la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka, balse mar walba Ciidamada Puntland ay diyaar u yihiin in ay difaacaan shacabkooda.