Ciidamo Mareykan ah oo hawlgal ka fuliyay Jamaame

A Soldier exits a UH-60 Blackhawk helicopter in the village of Darrah-I-Bum, Badghis Province, Afghanistan Jan. 5, 2011. The Soldier was part of a cadre of personnel accompanying the International Security Assistance Force Command Sergeant Major, Command Sgt. Maj. Marvin L. Hill on a visit to the Marines, sailors, and Soldiers of Special Operations Task Force-West living and working in Darrah-I-Bum. (U.S. Marine photo/Sgt. Brian Kester)

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in ciidamo Mareykan ah weerar qorsheysan ay ku qaadeen Degmada Jamaame oo Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada Mareykanka iyo ciidan Soomaali ah oo la socday ayaa waxa ay ku dageen duleedka Magaalada Jamaame, kadib markii halkaasi ay ku tageen diyaarado Helicopter ah oo ay kaga duuleen Saldhiga ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Somalida ah oo qaab Evantari ku socda ay galeen Magaalada Jamaame, kadibna Koontaroolka Magaalada uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Shabaab iyo ciidanka hawlgalka halkaasi u tagay.

Dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac, inkastoo xogta la helaayo ay sheegayso in aanan si dhab ah loo ogeyn khasaarah rasmiga ee dagaalka.

Al Shabaab ayaa waxa ay sheegteen inay fashiliyeen weerarkaasi qorsheysan ee ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ay ku soo qaadeen magaalada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ee Africa wali kama aysan hadlin hawlgalkaan qorsheysan ee xalay ciidamadooda iyo kuwa Soomaalida ay ka fuliyeen Degmada Jamaame.

Hawlgalkaan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo habeen hore ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ay weerar qorsheysan ku qaadeen degaanka Jiliyaale oo ka tirsan Shabellaha dhexe, Al Shabaabna ay gacanta ku hayaan.