Seddax Alifle Xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax ayaa Ciidamada Amniga degaanka Garas-baalleey ka soo qabteen kedib markii lagu soo war geliyay in ay jiraan rag baad ka qaata dhismayaasha xaafadaha ee degaankaasi ku sii kor-dhaya.
Kadib Ciidamada Amniga ayaa u soo gudbiyay Hogaanka Baarista Ciidamada, Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax kedib baaristooda waxa ay u soo gudbiyeen 20-kii bishii la soo dhaafay Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Iyana isla maalintaas codsaday in la geeyo xabsiga si loo muddeeyo Maxkamada Qaadista raggan ay soo gudbiyeen Ciidamada Amniga.
19-kii Bishan ayaa Maxkamadda Ciidamada ay u fariisatay dhageysiga dacwdda ragga loo heysto oo ah dhacca oo ay horey u codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana isla maalintaas la furay kiiska ka dhanka ah eedeysanayaasha kor ku xusan.
Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray in la siiyo xurriyadooda Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax, iyagoo aan ku qancin cadeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo Markaatiyaasho oo aan si buuxda ugu caddeyn dambiga, Sida uu sheegay G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan ( Wabiyow ) oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.