Wales ayaa ciidamo gaar ah u diyaariyay Gareth Bale marka ay caawa Georgia la ciyaarayaan isreebreebka koobka adduunka.
Gareth Bale ayaa hore loo sheegay in amaankiisa la adkeynayo kadib markii xubno kamid ah gabadha saxiibtiis ah qoyskeeda la weeraray.
Xulka Wales waxaa ka maqan ciyaartooyda muhiimka u ah khadka dhexe ee Aaron Ramsey iyo Joe Allen, laakiin Bale ayaa shaaca ka qaaday in ay gaashan doonana garoonkooda Cardiff City oo ay ku ciyaari doonana.
“Waxaan u doneynaa saddex dhibcood sababtoo ah waxaan dooneynaa in aan xaqiijino kalainta hore ee Group-kaan ayuu yiri ninka amaankiisa la adkeynayo ee Gareth Bale.