Home Wararka Ciidamo caawa lagu weeraray Muqdisho

Ciidamo caawa lagu weeraray Muqdisho

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya agagaarka Warshadda Caanaha ee Magaalada Muqdisho, Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya oo watay gaari nuuca dagaalka ah ayaa caawa waxaa lagu weeraray halkaasi.

Rag hubeysan ayaa Ciidamadan oo halkaasi marayay waxa ay ku rideen qoriga 7-ka, kaasi oo si weyn looga maqlay xaafadaha ku hareereysan Warshadda Caanaha, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Ciidamada Millitariga ee la weeraray ayaa intaasi kadib waxa ay rideen rasaas fara badan oo ay uga jawaabeen ragga soo weeraray ee loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin xoogaga ururka Al-shabaab, kuwaasi oo goobta ka baxsaday.

Si dhab ah looma oga 7-ka ay rideen Dabelyda hubeysan inuu ku dhacay gaariga iyo in kale, maadaama xilli habeen ah ay tahay, xaqiiqada jirtana aanan la ogaan karin.

“Een Marqura ayaan maqalnay jug xoogan, kadib rasaas ayaa xigtay, waxayna jugtan ka dhacday Warashadda Caanaha, waxaana Qoriga 7-ka lagu tuuray Ciidamo mararay wadada, caawa howlgal ayaa ka socda xaafada.” Ayay tiri gabar ka tirsan dadka degaanka oo caawa la hadashay Idaacadda Risaala.

Saraakiisha Ciidanka Millitariga weli kama aanay hadlin weerarkan caawa dhacay, bale wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya halkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ay wadaan baaritaano amni xaqiijin ah, oo lagu raadinayo raggii falkan ka dambeeyay.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan u muuqda mid faraha ka sii baxaya, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo xalay kulan ammaanka looga hadlayay la qaatay Gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa wuxuu u sheegay in shaqada uu weynayo Guddoomiyihii wax ka qaban waaya falalka amniga ka baxsan ee ka dhaca degmadiisa.