Ciidamada gadooday ee Ivory Coast oo siidaayay wasiir ay qabsadeen

Ciidamada gadooday ee Ivory Coast oo siidaayay wasiir ay qabsadeen

SHARE

Madaxweynaha waddanka Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa sheegay in la gaaray heshiis lagu soo afjarayo gadoodkii ay ku dhaqaaqeen qaar ka mid ah ciidammada milateriga waddankaasi.

Mr Ouattara ayaa sheegay in dalabka ciidammada ee ah in la kordhiyo mushaarkooda sidoo kalana la wanaajiyo xaaladaha ay ku nool yihiin wax laga qaban doono, waxa uuna ugu baaqay inay dib ugu laabtaan xeryahooda.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid waxyar un kaddib markii la sii daayay wasiirka gaashaandhigga Ivory Coast oo ay madax furasho ahaan u haystay ciidammada gadooday.

Wasiirka gaashaandhigga, Alain Richard Donwahi, ayaa saacado gelinkii dambe ee Sabtidii ku qaatay wadaxaajood uu la lahaa ciidammada gadooday ee ku sugan magaalada Bouake ee bartamaha Ivory Coast.

Hasayeeshee waxa ay u muuqatay in qaar ka mid ah ciidammada gadoodka sameeyay aanay ku qanacsanayn hadalka uu madaxweyne Alassane Ouattara kaga dhawaaqay taleefishinka.

Waa ay adag tahay in la saadaaliyo in dhammaan ciidammada gadoodsan ay aqbali doonaan hadalka dowladda.