Ciidamada xasilinta oo gacanta ku dhigay afar nin oo hubaysan

Ciidamada loo yaqaan Xasilinta ee muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho ka waday hawlgalka hub ka dhigista ayaa maanta gacanta ku dhigay afar nin oo hubaysan oo ku sugnaa Degmada Hodan.

Afartaan nin ayaa lagu qabtay xaafada Saybiyaano, xilli ay wateen qoryo sidoo kalena ay wateen dhar shacab ah, waxaana gacanta ku dhigay gaari ay wateen ciidanka xasilinta.

Markii la qabtay afartaasi nin ayaa waxa ay sheegteen inay ka tirsan yihiin ciidamada Militariga Somaliya, mana aysan wadan wax aqoonsi ah, sidoo kalena ma aysan wadan darees ciidan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in afartan nin ay ka soo tooseen guri ku yaallo xaafada Saybiyaan, halkaasi oo xalay ay ku hooydeen.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada xasilinta afartaasi nin ay u kaxeeyeen xarumaha Baarista ciidanka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho si baaritaan loogu sameeyo, loona hubiyo waxa ay yihiin.

Shalay ayeey aheyd markii laba askari oo ciidamada NISA ka tirsan lagu dilay Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan, waxaana dilkooda gaystay ciidamo kale.