Ciidamada Suuriya oo qabsaday qeybo ka mid ah Quuda

Ciidamadda daacadda u ah dowladda Suuriya ayaa dib u qabsaday 10% dhulkii uu mucaaradka haystay ee bariga Quuda.

Kooxda xaquuqul Insaanka reer Suuriya ee fadhigeedu yahay London ayaa sheegeysa in uu xoogeystay dagaalka ka soconayay dhulka, iyadoo dagaalyahannada fallaagauna ay hoobiyeyaal ku garaacayeen meel u dhow magaalada caasimadda ahi ee Dimishiq.

Qiyaastii 393,000 oo qof ayaa hadda ku xayiran gudaha bariga Quuta, oo ay ciidamada dowladdu go’doomiyeen tan iyo sanadkii 2013.

Keydka cunnada iyo dawada ayaa gabaabsi sii noqonaya, waxaana gaadiidka sida shixnahada gargaarka u suurtageli la’ in ay gudaha u galaan dhulkaasi go’doonsan.

Milatariga dowladda Suuriya ayaa sheegaya in uu isku dayayo in waxa uu argagixisada ku tilmaamay uu ka xoreeyo gobolkaasi. Balse waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu bartilmaameedsanayo dad rayid ah.

Sida ay sheegeyso wakaaladda wararka ee AFP, inkabadan 640 qof ayaa lagu dilay bariga Quuta tan iyo 18-kii bishii Febraayo ee la soo dhaafay. In kabadan 150 ka mid ah dadkaasi ayaa ahaa carruur.

Qiyaastii in kabadan 100 qof ayaa dhimatay tan iyo markii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ku dhawaaqay xabbad joojin muddo bil ah laga soo billaabo usbuucii tegay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa sheegay in dadka ku dhaqan bariga Quuda ay ku jiraan “naar ugu timid dunida”.

Xabbad joojin shan saacadood maalintiiba ah oo uu Ruushka ku dhawaaqay ayaanan dhaqangelin.