Ciidamada dawladda Suuriya ayaa dagaal kula wareegay magaalada qadiimiga ee Palmyra, sida ay ku warantay warbaahinta dawladda Suuriya.
kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa gacanta ku haysay magaaldaasi tan iyo bishii May 2015-kii.Goobtaasi ayaa ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu taariikhda wayn bariga dhexe.
Ciidammada Suuriya oo gacan ka helaya diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo malayshiyo dawladda taageersan ay dagaalkan ka waday furimo dhawr ah.Muuqaalo si toos loo soo tabiyay ayaa muujinaya uuro cirka isku shareertay iyadoo taangiyo iyo qoryaha darandooriga u dhaca lagu garaacayo magaalada.
Rasaas ayaa wali laga maqlayaa dhinaca bari ee magaalada.
Todobaadkan horaantiisii, ciidammada dawladda Suuriya ayaa dib u qabsaday balse waa laga saaray.