Jubbada Hoose-RisaalaFM- Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay burburiyeen fariisimo Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose,sida ay warbaahinta u sheegay saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.
Ciidamada si gaarka ah u tababaran kumaandooska Soomaaliya ayaa burburiyay xarumo waa weyn oo ay Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Beerxaani oo ka tirsan Jubbada Hoose, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.
Deegaanka Beerxaani ayaa 45Km ka xiga dhanka Galbeed Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.