Home Wararka Ciidamada Galmudug oo Weerar ku qaaday Maleeshiyaad hubeysan

Ciidamada Galmudug oo Weerar ku qaaday Maleeshiyaad hubeysan

SHARE

Ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ayaa Weerar ku qaaday Maleeshiyaad Isbaaro dhigtay duleedka degmada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee maamulka  Galmudug.

Ciidamada  ayaa waxa ay la dagaallameen Maleeshiyaad Isbaarada dhigtay.

Dagaal socday Muddo 30 daqiiqo ah ayaa dhexmaray ciidamada iyo sidoo kale Maleeshiyaadkii Isbaarada dhigtay.

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhaawacmay Weerarkaasi, waxaana ciidamada Galmudug ay cagta mariyeen Isbaarooyinkii badnaa ee yaallay duleedka Magaalada Cadaado.

Ciidamada ayaa sidoo kale su buuxda ula wareegay dhamaman goobihii ay Isbaaradu taallay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa horay u sheegay in Galmudug aysan aqbali doonin in dadka Shacabka ay dhibaateeyaan Maleeshiyaad hubeysan.

Inta badan waxaa lasoo Afjaray Isbaarooyinkii yaallay inta u dhaxeysay Cadaado iyo Gaalkacyo.