Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Maamulada Ahlu Sunna iyo Galmudug, kadib markii cutubyo ka tirsan ciidanka Galmudug ay gaareen degaanka Mareerguur oo ka tirsan Gobolkaasi.
Mareerguur waxa ay ku dhaw dahay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ku sugnaan jiray ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna, inkastoo saaka aroortii markii ay degaankaasi tagayeen ciidamada Galmudug, kuwii Ahlu Sunna aysan joogin.
Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in ciidamada Ahlu Sunna ay ku guda jiraan abaabul ciidan iyo dhaq dhaqaaq gaadiid ciidan oo Magaalada gudaheeda laga dareemaayo.
Xiisadan cusub ee saaka ka taagan degaanka Mareergur ayaanan la ogeyn rasmi ahaan waxa ay salka ku hayso, balse saaka aroortii ayaa la sheegay Mareergur in laga maqlay dhawaqa rasaas kooban, xilligii ay soo galayeen ciidamada Galmudug.
Waxaa laga cabsi qabaa dagaal u dhaxeeya ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Galmudug inuu ka qarxo degaankan, maadaama Mareergur aysan ka fogeyn Dhuusamareeb oo xarun u ah Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe