Home Wararka Ciidamada dowladda oo la wareegay degaanka Abal

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaanka Abal

SHARE

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Goor dhow la wareegay degaanka Abal ee gobolka Bakool.

Degaanka Abal ayaa labadiisa dhinac , waxaa ku sugan ciidamada uu hoggaamiyo wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow iyo sidoo kale ciidamada Al-Shabaab oo dagaallamayay maalmihii lasoo dhaafay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Risaala u xaqiijiyay in hadda halkaasi ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa dhawaan weerar ku qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow oo mudooyin badan ku sugnaa degaankaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa u gurmaday Sheekh Mukhtaar.