Home Wararka Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay waxyaabaha maanka dooriya

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay waxyaabaha maanka dooriya

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo xalay ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmadaas waxa ay ku soo qab qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii ku howlanaa sameynta waxyaabahaasi.

Intii Ciidamada ay ku guda jireen Howlgalkan oo socday mudo saacado ah ayaa waxa ay ku soo qabteen Xashiishad badan iyo Fuustooyin lagu diyaarinayay Qamriga iyo waxyaabo kale.

Maxamed Ismaaciil C/laahi oo ah Guddomiyaha Degmada Kaxda ayaa Risaala u sheegay in Ciidamada ay soo qabteen Lix Fuusto oo waa weyn, Shan nin oo ku howlanaa waxyaabahan sharci darada ah iyo Gaariga lagu qaadi jiray.

Wuxuu kaloo sheegay Guddoomiyaha raggan in ay ku wareejin doonaan Hay’adaha ku shaqada leh, si sharciga loo horgeeyo, isaga oo dhanka kale tilmaamay in ay sii wadi doonaan howlgalada nuucaan oo kale ah.