Chelsea oo si rasmi ah ugu yeertay Nathan Ake oo Amaah ku...

Chelsea oo si rasmi ah ugu yeertay Nathan Ake oo Amaah ku maqnaa

SHARE

Chelsea ayaa xaqiijisay in ay dib u soo celin doonto ciyaaryahanka amaahda ugu ciyaara kooxda Bournemouth ee Nathan Ake xili ciyareedkaan.

Daafaca reer Holland ayaa u ciyaaray 10 jeer kooxda lagu naynaaso Cherries xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu ku laaban doonaa Stamford Bridge inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Bournemouth ayaa 21-sano jirkaan, kaga  mahadcelineysa mudada wanaagsan ee uu kooxda la qaatay, waxaana Nathan uu sameeyay wax qabad fiican toddobadii bilood oo uu la joogay kooxda”

Macalin Conte ayaa hore usheegay in ciyaaryahanka daafaca ka ciyaara ay dib usoo celin doonto koxdiisa, islamarkaana uu daawaday dhowr jeer kulamo uu ciyaarayo xili ciyaareedkaan.