Home Ciyaaraha Chelsea oo hormar weyn ka sameysay daafac bidix oo ay ku raad...

Chelsea oo hormar weyn ka sameysay daafac bidix oo ay ku raad joogtay

SHARE

Chelsea ayaa hormar weyn ka sameysay loolanka ay ugu jirtay saxiixa daafaca bidix ee As Roma Emerson Palmieri, waxaana lagu soo waramayaa inuu xidiga reer Brazil ogolaaday ku biiritaanka Blues.

Sida ay sheegayaan warbixinada ka imaanaya gudaha wadanka talyaaniga, Emerson wuxuu saxiixay heshiis afar sanadood iyo bar ah, taasoo u sahli doonta inuu kasoo muuqdo horyaalka Premier League oo riyadiisa aheyd mar walba.

Sida lagu qoray Tuttomercatoweb, Emerson wuxuu qaadan doonaa aduun dhan 2.5 Malyan oo Euro sanadkii hadii uu dhameystiro ku biiritaankiisa Blues.

Sida lasoo wariyay Blues waxey dooneysaa iney xidigaan ka bixiso aduun dhan 20 Malyan oo Euro, halka Roma ay iyana dooneyso 25 Malyan oo Euro, waxaa jira is marin waa – ku saabsan dhanka lacagaha.

Waxaa la fahamsan yahay in arintaan lagu heshiin doono madam kooxda ka dhisan caasimadda ay dooneyso iibka xidiga reer Brazil.