Chelsea oo gacanta ku dhitay heshiiskii ugu weynaa Premier League-ga

Kooxda kubadda cagta ee Chelse ayaa ku guuleysatay heshiiskii ugu qaalisanaa ee ay koox ku sameyso xayeysiin marka la eego kooxaha Premier League-ga.

Blues ayaa xaqiijisay inay mattaan la noqotay shirkadda Hyundai , waxaana magaca Hyundai lagu qori doonaa garabka funaanadda ay ku ciyaareyso Chelsea xilli ciyaareedka dambe.

Waxaa lagu xardhi doonaa marka ay ciyaareyso tartamada gudaha England iyadoo ay xiran doonaan kooxda Hablaha, kuwa dhallinyarada iyo naadiga wiilasha waaweyn ee uu hooggaamiyo Antonio Conte.

Sida laga soo xigtay Dali Mail, heshiiskan ayaa noqonaya midkii ugu qaalisanaa ee ay hesho koox ciyaarta Premier League-ga iyadoo ka saramartay kooxda Arsenal.

Gunners ayaa ka hesha £30m shirkadda Visit Rwanda, halka kooxda galbeedka London ka dhisan ay iyana £40m ka qaadan doonto Hyundai afarta sano ee soo aaddan.

Blues ayaa xiran doonta maaliyaddan kullamada ay ku ciyaareyso Australia oo ka mid ah ciyaaraha la isugu diyaariyo xilli ciyaareedka.

Muuqaalka rasmiga ah xayeysiintan ee baraha bulshada ayaa waxaa kasoo muuqday Oliveir Giroud, David Luiz iyo Tiemoue Bakayoko, waxaana qandaraaska uu caawin doonaa Roman Abramovic.

Milkiilaha reer Russia ayaa ku sigtay inuu iibiyo kooxda Chelsea, ka dib markii labaad ay ku guuldarreystay inay usoo baxdo Champions League-ga saddex xilli ciyaareed gudahooda.