Cali Khaliif Galeyr oo gaaray Laascaanood

Waxaa gaaray Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool Wafdi uu hoggaaminaayo Cali Khaliif Galeyr, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Waxaa uu sheegay Cali Khaliif Galeyr in uu Magaalada u tagay sidii uu kulamo kala duwan ula qaadan lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshadda kunool gobolka Sool.

Booqashadda Cali Khaliif ayaa timid xili gobolka Sool Maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacaayay dagaallo Khasaare badan geystay oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Cali Khaliif Galeyr oo horay u ahaa Madaxweynaha Khaatuma ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu la heshiiyay Somaliland,islamarkaana hadii ay yihiin Khaatuma ay ku biireen Somaliland.