Wiil uu dhalay ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Yusuf Raza Gilani, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay afduub seddax sano ay Al-qacidda u haysatay.
Wareysi uu siiyay BBC-da, Ali Haider Gilani, waxa uu sheegay in Al Qacidda ay u sheegtay in afduubashadiisa ay tahay aargudasho ka dhan ah aabihiisa.
Dableydii haysatay waxay dalbadeen lacag madax furasho ah iyo siideynta maxbuus Al Qacidda ah oo can ah.
Yusuf Raza Gilani waxa uu ahaa ra’iisul wasaarihii Pakistan aa xilligii Mareykanka uu howlgalka ku dilay hogaamiyihii hore ee Al Qacidda Usama Bin Ladin.
Ali Haider Gilani waxaa lagu soo badbaadiyay howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa dalka Afghanistan.
Waxaa lagu haystay gobolka Paktika ee Afghanistan muddadii uu Al Qacidda u afduubnaa.