Home Ciyaaraha CAJIIB: Messi oo Dhigay Rikoor Aan Loo Baahneyn Ka Hor Kulanka Chelsea

CAJIIB: Messi oo Dhigay Rikoor Aan Loo Baahneyn Ka Hor Kulanka Chelsea

SHARE

Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa ka dhigay rikoor aan loo baahneyn horyaalka La Liga intii ay socotay ciyaartii kooxdiisa 2-0 kaga badisay Eibar Sabtidii.

Kooxda reer Catalan ayaa kusoo laabatay wadada guusha, iyadoo goolal ay ka dhaliyeen Luis Suarez iyo Jordi Alba ay guusha kaga qaadatay 10 ciyaaryahan oo Eibar ah.

Si kastaba ha ahaatee, Messi ayaa si isdaba jog ah birta ugu garaacay kubado badan xili ciyaareedkaan, waxaana kulankii  ugu dambeeyay loo diiwaan geliyay inuu garaacay birta markiisii 14aad.

Sidaasi darteed, ninka reer Argentine wuxuu u dhigay rikoor cusub La Liga kadib markii uu tiradii ugu badneyd  birta garaacay hal xilli ciyaareed.

Kooxda reer Catalan ayaa haatan 7 dhibcood ka sareysa Atletico Madrid, oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka La Liga.