Cahill Oo Cusbitaal Jiifa Iyadoo Terry Uu U Sharaxan Yahay Inuu Safto Semi-finalka FA Cup

John Terry ayaa laga yabaa inuu si lama filaan ah ugu soo bilowdo kulanka semi-finalka FA Cup ka dib markii Gary Cahill ay ku soo degtay xumad aan weli la garaneynin isagoo jiifa cusbital.

Kabtanka haatan ee Chelsea Cahill ayaa labo habeen waxa uu seexday cusbital waxaana ay u badan tahay inuu seegi doono kulanka Sabtida ee ay Wembley kula ciyaarayaan kooxda Tottenham.

Tababaraha Blues Antonio Conte ayaa ka fiirsanaya inuu kulankaas ciyaarsiiyo Terry kaliya shan maalmood ka dib markii ay kooxda xaqiijisay inay iska fasaxeyso daafaca halyeeyga ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Cahill oo ciyaaray kulankii Axadii ay guuldarada 2-0 ka soo gaartay Manchester United ayaa ka sheeganayay in heerkulka jirkiisa uu sarre u kacayo.

Daafaca dhexe ayaa taam u ahaa inuu tababar qaato Talaadadii laakiin waxa uu ku qasbanaaday in isla maalintaas in cusbital la dhigo iyadoo xaaladiisa ay sii xumaatay.

Cahill oo 31 sanno jir ah ayaa waxaa si taxadar leh xaaladiisa u qiimeyn doona dhakhaatiirta kooxda laakiin waxa uu baahan yahay caafimaad taam ah si u ciyaaro kulanka Tottenham iyadoo ay hartay kaliya hal maalin oo tababar buuxa ay qaadaneyso kooxda.

Kurt Zouma iyo Nathan Ake ayaa keyd ugu jira booskaas laakiin kabtanka kooxda Terry ayaa u sharaxan inuu kulankaan ciyaaro taasoo u noqon karta macsalameyn.