C.Ronaldo oo noqday FIFA Best Player 2016

Ciyaaryahanka ugu wanaagsan aduunka C.Ronaldo ayaa waxaa loo doortay weeraryahanka kooxda isagoo abaalmarintan ka dulqaaday ciyaaryahanada kala ah Griezmann iyo L.Messi

Weeraryahanka Kooxda Real Madrid ayaa mar kale noqday ciyaaryahanka ugu wanaagsan aduunka xili uu isla sanadkan ku guuleystay  xidiga Aduunka ee abaalmarinta France Magazine ay bixiso

Madaxweynaha xariirka kubada cagta aduunka ayaana gudoonsiiyay kabtanka qaranka Portugal abaalmarintan, iyadoo sababaha uu ugu guuleystay ay kamid aheyd inuu qarankiisa ku hogaamiyay Euro 2016-ka iyo inuu Real Madrid la qaaday Champions League.

C.Ronaldo ayaa sheegay in 2016-ka uu ahaa sanadkiisii ugu wanaagsanaa oo uusan taariikhdiisa hilmaam doonin uuna ku faraxsan yahay abaalmarintan.