Borussia Dortmund oo sheegtay in ay Dembele ka iibinayso kooxda Barcelona haddii…

Agaasimaha kooxda Borussia Dortmund ee Michael Zorc ayaa shaaca ka qaaday in ay xiddigooda khadka dhexe ee wax weerara Ousmane Dembele ay ka iibinayaan Barcelona haddii naadigaasi uu soo buuxiyo shuruudaha dalabkooda.

Laacibkan da’da yar ee Reer France ee 20 jirka ah ayaa waxaa si weyn loola xiriirinayay in ay iibsan doonto Barcelona si ay ugu buuxiso booskii uu banneeyay ciyaaryahan Neymar Jr oo ku biiray Paris Saint-Germain ee Waddanka Faransiiska.

“Mowqifkeennu wuu cad yahay, haddii shuruudaha dalabkeenna la soo buuxiyo Dembele waan fasixi doonnaa xagaagan, laakiin haddii codsigeenna la dhameystiri waayo hadde Dembele wuxuu sii joogayaa Borussia Dortmund” sidaa ayuu Zorc uu u sheegay Sky.

“Ma ogolaanayno in go’aanka laacibkani uu sii jiitamo illaa maalinta ugu dambeysa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda” ayuu hadalka ku gooyay agaasimaha Dortmund.