Home Ciyaaraha Borussia Dortmund oo haddii uu ka tago Aubameyang weeraryahankan ka doonaysa kooxda...

Borussia Dortmund oo haddii uu ka tago Aubameyang weeraryahankan ka doonaysa kooxda Arsenal

SHARE

Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka ayaa la soo warinayaa inay ka fiirsanayso inay u dhaqaaqo weeraryahanka Arsenal ee Olivier Giroud.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ee Olivier Giroud ayaa la la xiirinayey kooxda Everton isbuucyadii dhowaa, iyadoo shaki badan la galiyey mustaqbalkiisa garoonka Emirates.

30-sano jirkaan ayaa qiray inuusan hubin mustaqablkiisa kaddib markii ay Gunners la soo wareegay Alexandre Lacazette, kaasoo ay ka soo qaateen kooxda Marseille.

Sida ay warinayso Jariiradda The Mirror, kooxda Borussia Dortmund ayaa u dhaqaaqi karta Olivier Giroud haddii xiddigeeda weerarka ah ee Pierre Emerick-Aubameyang uu isaga tago xagaagan kooxda ka dhisan Bundesliga.

Giroud, kaasoo qeyb ka ahaa kooxda Arsenal tan iyo sanadkii 2012-kii markaasoo uu kaga soo biiray Montpellier ayaa ku soo bilowday safka hore 11 jeer 29 kulan oo Premier League uu ciyaaray xilli ciyaareedkii la soo dhaafay isagoo dhaliyey 12 gool.

Weeraryahankan reer France ayaa heshiis cusub oo saddex sanadood ah qalinka ugu duugay kooxdiisa Arsenal bishii Janaayo ee la soo dhaafay.