Boqor Cismaan Buur-Madow oo xabsiga laga sii daayay

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga ka siidaayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa xiray Boqorka Markii uu kasoo laabtay Booqasho uu ku tagay degaanada maamulka Puntland.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysay sii deynta Boqor Buur-Madow hase yeeshee waxaa socday labadii maalmood ee la soo dhaafay cadaadis lagu saarayay maamulka Hargeysa inay sii dayso Boqor Buur-Madow oo caan ka ah gobolada Waqooyi ee dalka.

Somaliland ayaa ku eedeysan Buurmadow in uu jeediyay hadallo kasoo horjeedda Qaranimadda Somaliland.