Boqolaal qof ayaa isku dayaya inay wabiga ka gudbaan oo tagaan Macedonia.
Boqolaal qof oo qaxooti ah ayaa u sii socda wabiga xuduudda u dhaxaysa Macedonia iyo Gariiga si ay uga gudbaan xaduudda oo xiran.
Waxaa la arkayay iyagoo iyagoo ka tagaya xerada Idomeni, ee Gariiga, ayaa hadda ku sii socda wabiga kala bara labada waddan.
Boliiska Gariiga ayaa qaxootiga hareereeyay, sida ay sheegtay AFP, laakiin ma jiraan wax war ah oo sheegaya iska horimaad.
Ilaa 14000 oo qof ayaa ku xayiran xero ay xaaladeeda sii xumaanayso roobab socda awgeed.