Home Caalamka Booliska Masar oo la xakameynayo

Booliska Masar oo la xakameynayo

SHARE

Madaxweynaha Masar Cabdel fatah al-Sisi ayaa u sheegay wasiirkiisa arrimaha gudaha in qofkii boolis ah ee dambi gaysta aan looga hari doonin, ayadoo wax ka beddel xagga shuruucda ahna la geyn doono baarlamaanka 15 maalmood gudahood si tallaabadaas loo hir galiyo.

Madaxweyne al-Sisi ayaa tallaabadan degdega ah qaaday si uu u qaboojiyo carada dadweynaha ee ka dhalatay arxan darrada booliska.

Carada ayaa ka dhalatay ka dib markii uu nin boolis ah dilay taksiile ay ku murmeen lacagta gaari raaca.

Askarigaasi ayaa waxaa si xun u garaacay dadweyne goobta ku sugnaa, balse waxaa u suuragashay inuu baxsado.

Dadweynahaasi ayaa markaa ka dib hor dhoobtay xarunta booliska, ayaga oo cabashadooda muujiyay.

Hogaamiyaha Masar ayaa ka qabsi qaba isu soo bax ay dadweynaha sameeyaan, gaar ahaan kuwa ka dhashay gacan dhiiranaanta booliska.

Dibad baxyadii Masar ka dhacay sanadkii 2011-ka ayaa qeyb ahaan ka dhashay arxan darrada laamaha ammaanka, waxaana markii dambe ay dhaliyeen inuu xukunka ka dego madaxweynihii xilligaasi, Maxamed Xusni Mubarak.