Home Caalamka Booliska Mareykanka oo Xabsiga dhigay Jilaaga TJ Miller

Booliska Mareykanka oo Xabsiga dhigay Jilaaga TJ Miller

SHARE

Ciidamada Booliska dalka Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogay TJ Miller oo ah Jilaa iyo shactiroole Maraykanka u dhashay , islamarkaana lagu eedeeyay in uu ciidamada Booliska been u sheegay.

Taliyaha ciidamada Booliska New York ayaa sheegay in TJ uu booliiska wacay kuna wargaliyay in haweenay tareenka la saran ay boorsadeeda ku wado bam, Markii ciidamada ay baareena ay been noqotay.

Waxaa uu sheegay in la xiray Jilaaga, islamrkaana Sharciga la marsiin doonaan Maadaama dhacdadaasi uu si kas ah u sameeyay.

Jilaagan ayaa caan ku ah Erlich Bachman oo uu ku jilay shactirada taxanaha ah ee Silicon Valley, wuxuuna ka soo muuqday filimo ay shirkadda Hollywood jishay sida Deadpool iyo Cloverfield.

Miller ayaa wajahaya ilaa shan sano oo xabsi ah haddii lagu helo dacwadaha uu wajahayo.

Sida ku qoran war uu soo saaray garsoore Maraykan ah oo ku sugan deegaanka Connecticut, ninkan 36 jirka ah ayaa lagu eedeeyay in uu markii hore booliiska u sheegay in haweenay “timo buni ah leh oo khamaar qabta ay wadato wax qarxa wadato ayna saaran tahay bas u kala socda Washington DC iyo New York City.