Home Wararka DHAGEYSO: Biriq dad ku waxyeeleysay Galgaduud

DHAGEYSO: Biriq dad ku waxyeeleysay Galgaduud

SHARE

Galgaduud-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan saacadihii la soo dhaafay Roobab mahiigaan ah oo wata Biriq ka Da’ay degaano hoostaga degmada Dhuusa-mareeb ay waxyeeleeyeen  dad iyo xoolo.

Inta la ogyahay laba ruux ayaa waxyeelo ay ka soo gaartay Biriq Roobaad oo ku soo dhacday degaanka Balicad, oo dhinaca Galbeed 20-KM uga beegan magaalada Dhuusa-mareeb.

Labada ruux ee waxyeeladu ay soo gaartay ayaa dhaawacooda waxaa loo soo qaaday Isbitaalka Istarliin eedegmada Guriceel, sida uu Risaala u sheegay Cali Cumar Taraabi oo ka mid ah maamulka Isbitaalka.

Gobolada dalka ayaa ka soo kabanaya raad aan wanaagsaneyn oo ay reebtay Abaartii dalka ku dhufatay, waxaa badi dalka ka curtay Roobka Deyrta.