Ben Arfa oo ka hadlay mustaqbalkiisa

Hatem Ben Arfa ayaa sheegay inuu heshiis cusub u saxiixayo kooxdiisa Nice, iyadoo wararka ay la xiriirinayaan kooxaha Barcelona iyo Chelsea,

Xiddigreer France ayaa qaab ciyaareed la yaab leh xilli ciyaareedkan ka sameeyay kooxdiisa, isagoo dhaliyay 17 gool 34 kulan oo uu saftay Horyaalka Ligue 1.

qaab ciyaareedka Ben Arfa ayaa waxa uu soo jiitay kooxaha waweyn ee qaarada Yurub,iyadoo madaxweynaha Nice Jean-Pierre Rivere dhawaan xaqiijiyay in weeraryahankii hore ee Newcastle United wadahadalo uu kula jiro kooxda ka dhisan La Liga ee Barca,

Lakiin war kale ayaa sheegayay in milkiilaha Lyon Jean-Michel Aulas uu sidoo kale qiray inuu isha ku hayo lasoo wareegida 29-sano jirkaan.

Si kastaba ha ahaatee, Ben Arfa ayaan weli go’aan kama dambays ah oo mustaqbalkiisa ah qaadan, waxaana uu haatan si maldahan u sheegay inuu heshiis u saxiixayo kooxdiisa Nice.