Beesha Caalamka oo soo dhaweysay shirka Isimada Dhaqanka Soomaaliyeed

Qardho-RisaalaFM- Beesha Caalamka ayaa taageeray natiijada ka soo baxday shirka Isimada Soomaaliyeed ee maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada Qardho.

Ergayga gaarka ah ee UNSOM ayaa sheegay in Beesha Caalamka xiligan ay u aragto talaabadaas in ay tahay mid wanaagsan oo horu socod ah, isagoo tilmaamay in la gaaray waqtigii Soomaaliya laga saari lahaa marxaladda kala guurka ah.

QM waxay codsatay in lasii wado shirarkan noocaan ah, si horumar looga gaaro xaaladda Soomaaliya, maadaama waqtigan lagu jiro xili kala guur ah oo ay door muuqda leeyihiin dhinacyada Isimadda dhaqanka ee Soomaaliyeed.

Mr, Bell ayaa ku sifeeyey madashan in ay qeyb ka tahay tiirarka Soomaaliya ay uga gudbeyso marxalad adag oo ay ku soo jirtay sannadyadii lasoo dhaafay, laakiin hadda ayuu sheegay in uu muuqdo Ifafaalo wanaagsan oo lagu hormarinayo dalka Soomaaliya.