Beeraleyda Qaadka Kenya oo ka walaacsan Go’aankii dowladda Soomaaliya

Iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay joojisay diyaaradihii Qaadka ka keeni jiray gudaha dalka kenya ayaa arintaas waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah beeraleyda Qaadka ee dalka Kenya.

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya beeraleyda Qaadka ee dalka Kenya ayaa go’aanka dowladda Soomaaliya , waxa ay ku tilmaameen mid niyad Jab ku ah wax soo saarkooda.

Waxa ay sheegeen in ay beereen Qaad aad u farabadan oo loogu talagalay in loo dhaafiyo Soomaaliya , waxayna ka walaacsan yihiin halka loo dhoofin doono wax soo saarkaasi.

Suuqa ugu  weyn oo ay beeraleyda dalka Kenya ay Qaadka u dhoofiyaan Waa Soomaaliya , waxaana maalin walba Kenya kasoo bixi jiray 16 diyaaradood oo Qaad sida.

 

Qaadka waa mid ka mid ah ilaha ugu muhiimsan oo ay dad Kenyaan ka ah ay ka helaan shaqooyin iyo sidoo kale dhaqaale ay ku dabaraan noolashooda.

Labo Sano ka hor ayaa laga joojiyay Qaadka laga dhoofiyo dalka kenya  wadamo dhowr ah oo ku yaalla Qaarada Yurub.