xiddiga diirada weyn u saarneyd Manchester United Renato Sanches ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Bayern Munich – taasoo keentay shaki weyn inuu ku yimid mustaqbalkii ose Mourinho ee shaqada Old Trafford.
Sanches ayaa laga raadinayay United xilli ciyaareedkan oo dhan iyadoo kooxda Benfica ay ka dalbatay United ay ay bixiyaan £ 40million haddii ay doonayaa adeega 18-sano jirka Portugal
Gudoomiye ku xigeenka fulinta Ed Woodward ayaa la fahamsan yahay inuu wadahadalo dheer kula jiray kooxda reer Portugal , lakii silama filaan ah saxiixa ciyaaryahan waxaa ku dhawaaqday kooxda Bayern Munich.
Bayern ayaa Sanches, go’aansatay in ay u dhaqaajiso Bundesliga xili laga sugayay Old Trafford isagoo muddo bartilmaameed u ahaa kooxda Man United.
Bayern ayaa ka siisay Benfica € 35m oo u dhiganta (£ 27.5m) Ciyaaryahanka khadka dhexe ee 18-sano jirka ah, waxaa sidoo kale uu ka gudbay tijaabada caafimaadka.