Barzagli iyo Buffon oo heshiis cusub u saxiixay kooxda Juventus

Juventus ayaa ku dhawaaqday in goolhaye Gianluigi Buffon, qalinka ku duugay heshiis cusub oo kooxda ka dhisan Turin kula joogayo ilaa 2018.

Goolhayahaan ayaa ku biiray kooxda heysata horyaalka Serie A sanadkii 2001, markasoo laca g ikoorah uu kaga yimid kooxdaa Parma.’

ku dhawaad 600 oo kulan ayu usaftay kooxdiisa isagoo kula guuleystay todobo horyaal. Dhanka kale, waxa uu ka  152 kulan u saftay qaranka Italy oo uu la qaaday koobkii adduunka 2006.

Inkastoo 38 jirkaan da’diisa ay sii kordheyso, hadda Juventus ayaa go’aan kama dambeys ah ku gaartay inuu kooxdiisa u saxiixo heshiis cusub oo ilaa 2018-ka ah.

dhinaca kale daafaca dhexe ee kooxdan Andrea Barzagli, oo kaga soo biiray Juventus Wolfsburg sannadkii 2011, ayaa isna kordhiyay heshiiskiisa kooxda ka dhisan Turin oo uu la joogi doono ilaa 2018 .

Daafacaan ayaa aaad loo hadal hayay inuu kula biiri karo Chelsea macalinkiisii hore ee Conte xili ciyaareedka dambe.