Aleix Vidal ayaa dhaawac xun uu soo gaaray dhawaan, waxaana la xaqiijiyay inuu muddo shan bilood ah garoomada ka maqnaan doono taasoo dhibaato iyo walaac weyn ku abuurtay kooxdiisa Barcelona inkastoo sharciga loo jabin doono.
Kadib tijaabooyinkii la sameeyay waxey Barca xaqiijisay in xidigooda reer Spain aysan heli doonin inta ka dhiman xili ciyaareedkaan taas badalkeeda waxaa loo ogolaanayaa iney lasoo saxiixato ciyaariyahan badal u nooqda inkastoo uusan furneyn suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaaradda yurub.
Barcelona waxaa loo ogolaanayaa iney lasoo saxiixan karto ciyaariyahan walba oo horyaalka La Liga ka ciyaara, sidoo kalana waxaa loo ogolaan doonaa ciyaariyahan walba oo xor ah iney lasoo saxiixato balse looma ogolaanayo iney ciyaartoy kasoo iibsato meel ka baxsan Spain.
Shakhtar Donetsk daafaceeda midig Darijo Srna ayaan ku jirin dooqyada ay Barcelona heli karto madama uu ka ciyaaro meel ka baxsan Spain sidoo kalana uusan aheyn mid xor ah.
Xigasho Laacib