FC Barcelona ayaa qarka u saaran inay Paris Saint-Germain kala heshiiso saxiixa khadkeeda dhexe ee Marco Verratti.
Wargeyska reer Talyaani ee La Repubblica, ayaa laga soo xigtay in Barça ay dalab 60 milyan oo yuro ah ka gudbisay 23 jirkan kan furaha u ah PSG.
Isla ilo-wareedkan ayaa sheegaya in madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu uu xitaa mushaar waali ah u diyaariyay Verratti oo uu qandaraaskiisa dhacayo 2020-ka.
Barcelona ayaa sanadkiiba mushaar 6 milyan ah siin doonto wiilkan gaaban ee reer Talyaani, xilli uu hadda PSG sanadkiiba ka qaato 4 milyan oo yuro.
Marka laga soo tego sheekadan.- PSG, ayaa si weyn loola xiriirinayaa Neymar, xilli aysan Barcelona dooneynin inay lumiso kabtanka xulka Brazil, waana arin kale oo xal u baahan.
Dhanka kale, waxaa jira warar kale oo madax-banaan ,kuwaasoo tibaaxaya in uu wada-hadal dhex-maray Barcelona iyo PSG, waxaana la’isla soo qaaday suura-gelinimada in la kala baddesho Neymar iyo Verratti , iyadoo ay Catalan heli doonto lacag dheeraad.