Kooxda Barcelona ayaa ku sii dhawaanaysa inay shaaciso heshiis kordhinta laacibkeeda qadka dhexe ee Ivan Rakitic sida ay baahisay Marca.
Ivan Rakitic ayaa lala xiriiriyay kooxaha Chelsea iyo Manchester United suuqii janaayo, balse Barcelona ayaa ku guulaysatay in laacibka ay sii haysato.
Maamulka Barcelona ayaa la kulmay wakiilka Ivan Rakitic si ay ula meel dhigaan in laacibka reer Croatia uu qalinka ku duugo heshiis waqti dheer ah.
Qandaraaska Ivan Rakitic ee Barcelona ayaa dhacaya 2019, balse kooxda ayaa doonaysa inuu saxiixo 2-sano oo dheeraad ah si uu u sii joogo ilaa 2021.
Ivan Rakitic ayaa xalay keydka ku soo bilowday kulankii kooxdiisu ay 3-0 uga adkaatay kooxda Bilabo.