Sadex gool oo ay kala dhaliyeen Lionel Messi, Neymar Junior iyo Paco Alcacer qeybtii hore ciyaarta ayaa guul siiyay Barcelona kulankii 3-1 kaga badiyeen Deportivo Alaves.
Goolashaas waxey ka saacideen iney ku guuleystaan koobka boqorka Copa del Rey iyagoo ku hantay magaalada Madrid gaar ahaan garoonka Vicent Calderon.
Barcelona ayaa si adag ku bilaabatay ciyaarta bilowgeedii markii ay cadaadis xoog leh saareen goolka Deportivo Alaves.
Daqiiqadii 23-aad: Lionel Messi ayaa ka xariiftamay sadex ka mid ah xidigaha Deportivo Alaves ka hor intaan lagu lagdin afka hore xerada ganaaxa, balse kubadii isaga laga hor istaagay Neymar ayaa kubad goosha aadiyay balse daafaca iska saaray.
Daqiiqadii 26-aad: Gerard Pique ayaa kubad ka qalday Barcelona, balse Ibai Gomez ayaa kubad joog hoose oo aad u xoogan ku tuuray goolka labada bir ee goolka ayey si wadajir ah ugu dhacday ka hor inta uusan mar kale kubada qasaarin Deyverson.
Daqiiqadii 28-aad: Neymar ayaa isku dayay inuu goosha ku leexiyo kubad uu si sahlan goolka ugu tuuray Andreas Iniesta balse goolhayaha ayaa ka beeniyay.
GOAL – Daqiiqadii 30-aad: Lionel Messi ayaa hogaanka u dhiibay Barcelona markii uu lugta bidix si xirfadeysan ugu dhameystiray, Neymar ayuuna kubad hal iyo labo cajiib ah afka hore kula ciyaaray.
GOAL – Daqiiqadii 33-aad: Theo Hernandez ayaa barbaro u keenay Alaves markii uu si cajiib ah laad xor ah u dhex dhigay shabaqa Barcelona – wiilka Atletico Madrid waa u jawaabay Barca.
Daqiiqadii 40-aad: Ivan Rakitic ayaa isku dayay inuu mar kale hogaanka u dhiibo Barca markii uu kubad joog hoose la beegsaday goolka balse geesta midig ayey martay.
GOAL Daqiiqadii 44-aad: Neymar ayaa hogaanka u dhiibay mar kale Barcelona markii uu si fudud kubadda ugu leexiyay goolka Alaves madama uu Andre Gomez kubad soo dhigay xariiqda goolka.
GOAL Daqiiqadii 45+3-aad: Paco Alcacer ayaa hogaanka u dheereeyay Barca markii uu si awood leh u dhamestiray kubad uu si aan caadi aheyn kaga soo shaqeeya Lionel Messi.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 3-1 oo ay ku hogaamineyso Barcelona, dhinaca kalana isku soo laabashadii kooxna ma sameyn wax badal ah.
Qeybtii labaad ayaa si adag ku bilaabatay – Barcelona ayaana si xamaasad leh ku bilaabatay iyadoo cadaadis badan saartay goolka Alaves.
Paco Alcacer ayaa u dhawaaday inuu hurdo u diro Deportivo Alaves markii uu isku dayay inuu si fudud goolka u dhex dhigo kubad uu dhinaca kasoo caawiyay Lionel Messi – goolhayaha ayaana ka diiday.
Dhawr jer ayey isku dayeen Messi iyo Neymar iney goolal kale u dhaliyaan Barcelona balse uma suuragalin.
Sidoo kale Deportivo Alaves wiilasheeda sameeyay isku dayo aan caadi aheyn balse kuma guuleysan iney dhaliyaan hal gool ka badan.
Natiijada ciyaarta ayaa noqotay mid kusoo dhamaata 3-1 iyadoo Barcelona ay hanatay koobka boqorka Copa del Rey.
Barcelona iney ku guuleysato Copa del Rey wuxuu u yahay mid weyn xilli ciyaareedkan madama ay tahay koobka kaliya ee ay hanteen – waana markii 29-aad oo ay koobkaan ku guuleystaan.
Gool.net