Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la gaartay xiddiga qadka dhexe ee reer Brazil Arthur kaasoo ay xagaagaan kala soo wareegi doonto kooxda Gremio ee dalkiisa ka dhisan.
Barcelona ayaa dhammaadka xilli ciyaareedkaan soo iibsan doonta 21 sanno jirkaan oo kooxda ka dhisan Porto Alegre ka caawiyey inay soo gaarto finalkii Copa Libertadores.
Barca ayaa muddo dheer lala xiriirinayey xiddigaan lagu magacaabo Arthur. Waxayna kula soo wareegi doontaa 26.6 milyan oo ginni iyadoo bixin doonta 8 milyan oo ginni oo dheeraad ah, La Blaugrana ayaana lacagtaan bixin doonta bisha July.
Arthur ayaa noqon doona ciyaaryahankii seddaxaad ee u ciyaara kooxda koowaad ee tababare Ernesto Valverde, maadaama ay Barcelona horay u heysatay Philippe Coutinho iyo Paulinho.